Safaarada Somalia ee Kenya oo Xuska 26-ka June ku qabatay Xaafada Islii (Sawirro)

Xaflada 26 june oo ku aadan maalintii calan somaliya laga taago gayiga soomaaliya, ayaa xaflad loogu dabaal dagayay waxay ka dhacday xalay xaafada somalida dagto ee islii magaalada Nairobi.

Madaxda safaarada  iyo marti sharaf kale ayaa ugu Hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, ayaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Ambassador  Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya,Qunsulka 1 ee safaarada ahna safiir ku-

xigeenka safaaradaasi aways amiin sheikh, Xog-hayaha safaarada xabiib aqoonyahano uu ka mid ahaa Dr faarax Bursaliid,  Hodon Ciise, Culumo,  shukri afrah oo ka mid ah Wariyayaasha  Somaliyeed iyo marti kale ayaa goobta aad u Qurxiyay.

Dan jire Tarsan ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Xusida Munaasabada 26 juun iyo 1 luliyo.

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa markii ugu horaysay waxay xafladan ku qabatay xaafada somalida Dagto ee islii,  ayada oo looga bartay  in Munaasabadaha 1 luliyo iyo 26 june lagu qabtay goobo kale oo ka baxsan Xaafada islii, tani ayaa muujinaysa is badal ay la yimaadeen safiir Tarsan iyo Danjire aways amiin, waxaana xalay Somalidii halkaas iskugu timid ka muuqday farxad, taasi oo ay dhib kala kulmi jireen in ay aadaan xafladahaasi, waxaana uga bixi jiray Qarash badan oo uu ku jiro in ay Raacaan Tex waqti danbana ay u soo hoydaan Xaafa islii.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Wariye : Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi kenya

- Advertisement -