Aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay caawa afur wadareed kulmiyey qaar ka mid ah aqoonyahanada beesha Murusade ee wax ku soo bartay Jaamacadaha dalka Sudan.

Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Xusseen Maxamed Nuur, Xildhibaanad Faa’iza Maxamed Jayte iyo qaar kale ayaa ka qeyb galay afur wadareedkaas, iyagoo ka mid ahaa ardayda wax ku soo baratay Jaamacadaha Sudan ee ka soo jeeda beelweynta Murusade.

Kulankan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa ujeedadiisu aheyd sidii aqoonyanadu u kala war-qaadan lahaayeen maadaama muddo badan lakala maqnaa, iyagoo dhinaca kale ka tashaday sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kaalinta kaga qaadan xoojinta dowladnimada iyo horumarka dalka.

Aqoonyahanada ayaa ku balamay in la xoojiyo iska warqabka, lana joogteeyo kulamada noocan ah, iyadoo kulankan uu ku soo dhamaaday Jawi aad u farxad badan,

Qiyaastii 50,000 oo arday oo Soomaali ah ayaa la sheegaa in ay Suudaan wax ku barteen 30kii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka soo qeyb galayaasha kulankan ay dowladda iyo shacabka Suudaan uga mahaceliyeen fursaddaas ay Soomaalida siiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -