Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa iyo Jeneraal Biixi oo laga wareejiyay xilalkii ay hayeen (Sawirro)

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda gaashaandhigga ayaa xilka waxaa ku wareejiyay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, oo dhawwaan xil ka qaadis lagu sameeyay.

Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo taliyihii hore ee ciidanka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa isna wasaaradda gaashaandhigga xilka kula wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka dhulka Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahad-celiyay taliyaashii hore ee maanta xilka wareejiyay, waxa uuna kula dar-daarmay taliyaasha cusub in looga fadhiyo shaqo adag ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xifaaltanka Somaliland kula jirto Somalia oo xididada u siibay Xiriirka Dhaqaalaha Somaliland 

Cabdi Cade

Arday dhigata Jaamacad ku taalla Kenya oo lacag fara badan ka xaday Banki

Caydiid Ali

Rajada Nabadda Soomaaliya ee xiligan iyo sida loo abuuri karo Jawi Nabadeed  

Cabdi Cade
Taboola Ads ---