Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag kufsi iyo dhac geestay (Sawirro)

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal kala duwan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen kooxo burcad hubeesan ah oo dhac iyo kufsi geesanayay.

Booliiska ka howlga degmada Dharkeenley ayaa howlgal ay fuliyeen kusoo qabtay nin dhallinyaro ah oo lagu helay in uu lufsi u geestay gabar, waxa ayna booliisla sheegeen in ninkan baaritaanno ku socdaan loona gudbinayo maxkamad.

Dhinaca kale ciidamada booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay nin burcad ah oo lagu eedeeyay in dhaawac iyo dhac u geestay nin shacab ah, ninkan ayaana laga soo qabtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xalay ku guuleestay in degmada Hodan ku qabtaan labo nin oo burcad ah kuwaa oo ku labisnaa dareeska ciidanka, burcadan ayaa markii la qabanayay ku howlanaa in dad shacab ah baartaan.

Magaalada Muqdisho ammaankeeda ayaa isbadal xooggan laga dareemay muddooyinkii lasoo dhaafay, booliiska ayaana ku guuleestay in ay soo qabtaan burcada dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -