Kooxda Wagner oo la wareegtay magaalo muhiim u ah milatariga Raashiya

Kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha ee Wagner ayaa la sheegay inay qabsadeen magaalladda Rostov-on-Don oo ah magaalladda 11-aad ee ugu ballaaran magaallooyinka dalka Raashiya.

Madaxa Kooxdaasi ee baxsadka ka ah Milliteriga Raashiya, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay inay ciiddankiisa la wareegeen guud ahaan magadda Rostov-on-Don oo Marin muhiim u ah Sahayda Ciiddanka Raashiya ee ku sugan gudaha dalka Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray in 25,000 oo ka mid ah Dagaalamayaashiisa ay ku sugan yihiin magaalladda Rostov-on-Don oo ah magaallo ay ku nool yihiin in ka badan Hal milyan oo qof.

“25,000 askar aad u hubeysan ayaa diyaar u ah inay u dhintaan, kadib, markii ay qabsadeen magaalladda Rostov-on-Don” ayuu yiri Yevgeny Prigozhin.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobalka Rostov, Vasily Golubev waxa uu dadka ugu baaqay inay ku nagaadaan Guryahooda, oo aysan ka qixin.

Waxa uu xusay inay Hay’adaha Xoojinta Sharciga ay ku hawlan yihiin wax kasta oo lama huraan ah si hubaal looga dhigo Ammaanka dadka ku nool Gobalkaasi.

Weriye ka tirsan Warbaahinta Dowladda Raashiya ayaa sheegay inay deegan tahay xaalladda magaalladda Rostov-on-Don iyo inay Waddo ka xiran tahay qeyb keliya.

Dhanka kale, Telefishinka CNN-ka Maraykanka ayaa soo weriyey inay Ciiddanka Kooxda Wagner PMC Group ay gacanta ku hayaan Xaruumaha Milliteriga iyo Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla magaallada Rostov-on-Don.

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -