Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal Khasaaro geestay oo Muqdisho ka dhacay iyo faah faahino kasoo baxaya

Dagaal khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamo katirsan booliiska weerar ku qaadeen bar koontarool oo isbaaro u taalay ciidamo milatariga katirsan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado socday.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsan ciidamada dagaalamay ayaa dhintay halka askari kalana uu dhaawac soo gaaray, waxaana goobta lagu dagaalamay la wareegay ciidamada booliiska.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalkan ka dhacay degmada Kaxda ee dhax maray ciidamada kawada tirsan dowlada, waxaana goobta dagaalku ka dhacay gaaray saraakiil katirsan ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya waa mid iyada u daran (Ogow Sababta)

Cabdi Cade

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

Caydiid Ali

Daawo:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Kulan Looga Daah-furay Isku Xirka Nidaamka Casriga Ah Ee Maamulka Maaliyada!!

admin
Taboola Ads ---