Allbanaadir.com
NEWS

Zelenisky oo ka digay talaabo halis ah oo dowlada Ruushku qorsheynayso

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in xogo sirdoon ah oo ay heleen basaasiinta dalkaas ay muujinayaan in Ruushka uu ka fikirayo in uu fal argagixiso ka sameeyo warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee la haysto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabaha ay qorsheyneyso Moscow ay kamid yihiin inay sii dayaan shucaaca nukliyeerka ee warshadaas oo halis gelin kara nolosha dadka iyo duunyada.

Waxa uu sheegay in faahfaahinta ay u gudbinayaan xulafada iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso.

Madaxa sirdoonka millatariga Ukraine ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay qodayaan balliga qaboojiya warshaddan nukiliyeerka ah.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa arrintan ku tilmaamay waxaba kamjiraan isagoo sheegay in kormeerayaasha Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ay hadda tageen warshadda oo ah tan ugu weyn Yurub ayna ku qanceen wixii ay halkaas kusoo arkeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca & taliyeyaasha ciidanka oo booqday Buula Xaaji

Caydiid Ali

C/qaadir Nuune “Inta aan Dowladnimada u baahanahay in ka badan ayaa u baahanahay daddeyn”

Caydiid Ali

Nin xilli la toogan rabay horey loo cafiyay oo ugu Dambeyn la daldalay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---