Duufaantii ugu xumeyd muddo 30 sano ah oo ku dhufatay xeebaha Maraykanka (Daawo Sawirro)

Duufaantan ayaa ku soo aaday xilligii la saadaaliyay galinka dambe ee Khamiista ah, iyadoo ku dhufatay gobolka North Carolina.

Waxay sheegeen inay filayaan daa’dad nolosha khal-khalgelinaya oo ka dhasha roobabka iyo dabeylaha sare u sii kacaya.

Xarunta qaran ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ lahayn isla markaasna ay halkii saacba ay jareyso dhul ballaaran oo dhan 165-km.

Waxayna intaasi ku dartay inay filayso in isbedel yar ku yimaaddo inta aysan gaarin xeebaha.

In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa laga daad gureynayaa gobollada South iyo North Carolina, Maryland iyo Virginia.

Mike Sprayberry oo ah madaxa ha’yadda North Carolina Emergency Management, oo dadka ka caawisa sida ay uga jawaabi lahayeen masiibooyinka inay khibrad ka heleen duufaantii dhacday sanadkii 2016-kii ayna yaqaanan sida loo daad gureeyo dad aad u tiro badan.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amarro badan oo ku aaddan gurmadka degdega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan barasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -