Maxaa ka dhacay gudaha dayuradii uu Muqdisho ka raacay RW Xamse? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa intii uu maanta ku guda jiray safarkiisa waxa uu dayaaradda dhexdeeda kula kulmay, mid midna uu ula sheekeystay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee rakaabka ka tirsanaa.

Xubno ka mid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay ayaa waxay uga xog warrameen dhibaatooyin ka heysta dhinaca Socdaalka dalalka ay ka yimaadaan.

Xamse Baree ayaa intaas ka dib faray Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abshir Cumar Huruse oo qayb ka ahaa wafdigiisa inuu xal deg deg ah u helo cabashooyinkaasi.

Xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa baahiyey Sawirro muujinaya Xamse Barre oo sawir Selfie ah la galay rakaabka qaarkood iyo qaar kale oo uu kala sheekeysay aragtidooda ku aadan dowladiisa iyo  haddii ay jiraan cabashooyin ay ka qabaan heyadaha dowlada qaarkood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -