Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo amartay la soo xiro agaasime loo heysto musuq, lana xanibo akoonkiisa

Dowladda Soomaaliya ayaa amar xarig duldhigtey agaasimihii canshuuraha barriga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyaddiin Xassan Jurus.

Arrintan ayaa ka danbeysey eedo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey Muxiyaddiin Saabey. Sidoo kale dowladda ayaa arrintan u xirtay dhowr qof oo kale oo iyagana loo haysto eedo musuq-maasuq.

Muxiyaddiin Xassan Jurus oo la hadlay VOA ayaa beeniyey eedeymahan sheegaya inuu xaday hanti dadweyne, uuna ku kacay musuq.

Muxiyadiin ayaa sidoo kale meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ka baxsaday magaalada Muqdisho kuna sugan yahay degaanka Guulane ee gobolka Sh/dhexe, uuna halkaas ku heysto ciidamo hubeysan.

“Aniga lacag ma qabto, mana arko shaqadeydu waa maamulka iyo xisaabaadka kaliya” ayuu yiri Jurus oo sheegay inuu joogo magaalada Muqdisho, isagoo dhaliilay heyadaha garsoorka dalka oo uu xusay inuusan cadaaladooda ku kalsooneyn.

Dhinaca kale, xarunta warbixinada maaliyada ee DF ayaa ku amartay Bankiga AGRO ee xaruntiisu tahay Muqdisho iney xayiraan lacagaha ku jira akoon uu bankigaas ku leeyahay Muxyadiin Jurus, soona gudbiyaan dhaqdhaqaaqa akoonkaas ee bilihii la soo dhaafay.

HOOS KA AKHIRISO QORAALKA LAGU XIRAY AKOONKA AGAASIME JURUS

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: DF oo Maxkamad soo taagaysa Axmad Madoobe

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Puntland oo qabatay qaraxyo lagu diyaarinayey Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Amarro ku socda shacabka degan goobaha ay Al Shabaab ka joogaan Galgaduud oo lasoo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---