Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh: “Waa nasiib daro weyn wixii maanta ka dhacay Garowe”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadweynaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la  tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Dagaalka ayaa looga soo horjeeday talaabadii maanta xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Related posts

Israel oo koox Carbeed ku eedeysay Duqeymihii shalay ku habsaday Waddanka Masar

Cabdi Cade

Dil Wiil Dhalinyaro ah loogu geestay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Beesha Ceyr oo war ka soo saartay dilalkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb

Caydiid Ali