Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo fariin culus u diray dhinacyaddii maanta ku dagaalamay Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Dagaalka ayaa looga soo horjeeday talaabadii maanta xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

HOOS KA DAAWO HADALKA RW XAMSE BARRE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW ku xigeenka oo 5 qodob kala hadlay safiirada Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Qorshayaal kala hadlay Guddiga joogtada ee golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo sheegtay inuusan khuseyn go’aanka DF ku xireyso qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---