Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo sheegtay inuusan khuseyn go’aanka DF ku xireyso qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay go’aankii shalay ka soo baxay DF ee lagu eryey safiirkii Itoobiya u fadhiyey Somalia laguna amray iney xirto qunsuliyadaha ay bku leedahay Puntland iyo Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Rowda Jaamac Cilmi  ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay waxba ka khuseynin Somaliland

“Dowlada Muqdisho awood uma laha inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa” ayey tiri Rowda Jaamac Cilmi  oo hadalka DF ku sifeysay wax lala yaabo.

Waxay sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan Somalia, go’aamo ka soo baxay dowlada federeaalkana aysan ka shaqeyneyn.

“Qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa markii hore kuma iman go’aan ka yimid dowladda federaalka, haddana aan lagu xiri karin” ayey intaas ku dartay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Rowda Jaamac Cilmi .

Related posts

Dalalka ay u dhasheen Dadkii ku dhintay Diyaarada Ethiopian Airlines oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qoorqoor oo shaaciyay cidda gadaal ka riixeysa dagaal beeleedyada socda

Cabdi Cade

(Akhriso Magacyada) Sideed Xildhibaan oo maanta lagu doortay degmada Ceelwaaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---