Keating oo ka hadlay dhacdadii ugu weyneyd ee uu la kulmay mudadii uu Somalia joogay

Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) danjire Keating ayaa bixiyey wareysigiisii ugu dambeeyey ka hor inta uusan xilka ku wareejinin Ergeyga cusub ee bedelaya oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Keating ayaa kaga hadlay wareysigiisa arrimo badan oo ay ka mid yihiin guulaha uu gaaray xafiiskiisa mudadii uu Somalia ka shaqeynayey, sida uu arko mustaqbalka Somalia iyo qodobo kale oo kala duwan.

Mar la weydiiyey danjiraha dhacdadii ugu weyneyd ee uu la kulmay mudadii uu Somalia ka shaqeynayey ayuu sheegay in dhacdooyinka waaweyn ee dalka ka dhacay ay fara badan yihiin, balse mida ugu weyn ee uu la kulmay ay aheyd hanaankii kala guurka iyo doorashooyinkii ka dhacay dalka dabayaaqadii sanadkii 2016 iyo bilowgii sanadkii 2017 ee ugu dambeyn uu talada dalka uu kula wareegay Madaxweyne farmaajo

“Hanaankii doorashooyinka baarlamaanka, waxay ahayd arrin buuq badnayd – oo adkayd, aan ceeb la’aan ahayn, oo lahayd dhibaatooyin badan oo badan, laakiin waxay keentay natiijo ay xalaal ahaan u arkeen una guddoomeen beesha caalamka iyo ku dhawaad dhammaan Soomaalida. Dabcan, Al-Shabaab ma aysan soo dhoweyn, laakiin qof kastoo kale wuu soo dhoweeyay” ayuu yiri  danjiraha.

Waxaa uu sheegay in hanaankii ay u dhacday doorashadii Baarlamaaniga aheyd ee Madaxweyne Farmaajo ay aheyd guul taariikhi ah oo Soomaalida u soo hoyatay.

“Waxay ahayd arrin sababtay dabbaaldeg weyn. Sida uu Madaxweyne Kenyatta yiri, markuu u yimid xafladdi caleema saarka Madaxweyne Farmaajo, Afrika inteeda kale waxay ka masayrtay sida nabadgelyada ah kala-guurka iyo xilwareejinta ka dhacday Soomaaliya, sababtoo ah dalal badan oo kale waxay leeyihiin habab doorasho oo aad u khatar ah ayuu yiri danjire Keating.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -