Dowlada Finland oo qaadeysa talaabo sabab u noqon karta in Ruushku weeraro

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Finland ayaa maanta sheegay inay doorbidayaan inay ku biiraan xulufada NATO, islamarkaana go’aan rasmi ah la qaadan doono dhammaadka toddobaadkan kadib markii duulaanka Ruushka ee Ukraine uu beddelay aragtidoodii hore.

Kremlin-ka ayaa si deg deg ah ugu jawaabay in ka mid noqoashada Finland ee xulufada militari ee Reer Galbeedka “ay halis ku tahay” Ruushka.

Dalka deriska ah ee Sweden, oo si la mid ah Finland tobanaan sano aan ka tirsaneyn xulufo militari, ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu go’aankiisa ku dhowaaqo maalmaha soo socda marka ay kulmaan xubnaha xisbiga ra’iisul wasaare Magdalena Andersson ee talada haya.

Labada dal ayaa si aad ah loo rumeysan yahay inay si wadajir ah u gudbin doonaan codsigooda ku biiritaanka NATO.

“Finland waa inay codsataa xubinnimada NATO ayada oo aan dib loo dhigin,” ayey war-saxaafadeed wadajir ah ku yiraahdeen madaxweyne Sauli Niinisto iyo ra’iisul wasaare Sanna Marin.

“Xubinnimada NATO waxay xoojin doontaa ammaanka Finland, ayada oo xubin ka ah NATO, Finland waxay xoojin doontaa difaaca xulufada,” ayey ku yiraahdeen bayaanka.

Guddi gaar ah ayaa Axadda ku dhowaaqi doona doonista Helsinki ee ka mid noqoshada isbaheysiga.

Moscow ayaa marar badan uga digtay Stockholm iyo Helsinki inay wajihi doonaan cawaaqib haddii ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO.

“Ka mid noqoshada NATO ma noqon doonto mid ka dhan ah cidna,” ayuu weriyayaasha u sheegay madaxweyne Niinisto oo inta badan dhex-dhexaadiya Ruushka iyo Reer Galbeedka.

Mar la weydiiyey waxa ay noqon doonto jawaabtiisa Ruushka, waxa uu yiri “Adinka ayaa sababay sidan. Muraayadda isku eega.”

Kadib markii Ruushka uu ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine 24-kii Febraayo, aragtida siyaasadeed iyo midda shacab ee Finland ayaa si weyn ugu janjeersatay inay ku biiraan NATO si ay uga hortagaan gardarrada Ruushka.

Ra’yi uruurin ay Isniintii daabacday warbaahinta Yle ayaa muujisay in 76% shacabka ay taageersan yihiin ka mid noqoshada xulufada, taasi oo aad uga sarreysa taageerada sanadihii dhowaa oo u dhaxeysay 20-30%.

AFP-VOA

- Advertisement -