Rabshado dhowr qof lagu dilay oo ka dhacay degmada Ceelwaaq & Wararkii ugu dambeeyey

Gelinkii dambe ee maanta waxaa degmada Ceelwaaq Kenya ka dhacay rabshado sababay khasaare dhimasho oo illaa afar qof gaaraya.

Rabshadahan ayaa bilowday ka dib markii maanta ciidanka Kenya ay degaan hoostaga degmada Ceelwaaq ay ku dileen Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba arday sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Intii ay rabshadahani socdeen ayaa waxaa rasaas furay ciidanka Kenya oo isku dayaayey iney kala eryaan dadka isu soo baxay, waxaana ku dhaawacmay wiil Soomaali ah oo ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalkii la geeyay ee ku yaalla Ceelwaaq Kenya.

Shacabkii careysnaa ayaa geerida wiilka ka dib Baangad ku dilay nin dhaqtar ahaa oo isbitaalka joogay iyo laba kale o dhamaantood  Kenyaati ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Ceelwaaq ayaa waxay sheegayaan in hadda xaaladu ay tahay mid degan, balse laga cabsi qabo iney dhacaan isku dhacyo kale oo dhexmara ciidamada Kenya iyo dadka degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -