Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirrada Somalia oo ka dooday labo qodob oo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Aqalka Sare oo Guddi u saaray Weerarkii lagu galay hoyga Senator Cabdi Qeybdiid

Caydiid Ali

Soddoga Madaxweyne Laftagareen iyo Xubno kale oo Xildhibaano loo doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

Caydiid Ali
Taboola Ads ---