Xubnaha Aqalka Sare oo Guddi u saaray Weerarkii lagu galay hoyga Senator Cabdi Qeybdiid

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo manta kulankoodii ugu horeeyey ee ka tirsan kalfdadhiga 3aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday Weerarkii bilo ka hor lagu qaaday hoyga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)

Weerarkan ayaa waxaa fuliyey ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka Somalia oo ay tababartay dowlada Imaaraatka Carabta, waxaana ka dhashay muran badan.

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka hadlay fadhigii manta ayaa sheegay inuu kaa xun yahay in dowladu aysan soo bandhigin natiijada baaritaankii lagu sameeyey arintaas, aysana jirin wax talaabo ah oo laga qaaday ciidankii fuliyey.

Kulanka oo socday saacado badan  ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada aqalka Sare ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama Xildhibaan Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.

Waxaa soo xaadiray kulanka 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta Cabdi Qeybdiid, 4 Senatorka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -