Daawo: Xildhibaano reer Hiiraan ah oo taageray Xilka ka qaadista Gudoomiye Cali Jeyte

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa taageeray talaabadii Madaxweyne Cali Guudlaawe uu xilka kaga qaaday Gudooomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Shir jaraa’id oo xildhibaanadan ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayey kaga soo horjeesteen go’aankii ka soo yeeray xildhibaanada dhigooda ah ee ka soo jeeda beesha Xawaadle, kuwaasoo sheegay inay ka go’ayaan Hirshabelle ayna taageerayaan dhismaha Hiiraan State.

Xildhibaanada shirka jaraaid qabtay oo u badan beelaha Gugundhabe & Dir oo wax ka dega gobolka Hiiraan ayaa ka kooban 14 xubnood oo sidoo kale soo dhaweeyey magacaabidda guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.

Waxay sheegeen in Hirshabelle ay tahay dowlad goboleed jira oo ka arrimiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, wax gorgortan ahna laga geli doonin jiritaankiisa.

“Hirshabeelle waxay ku dhisan tahay dastuur iyo heshiis bulsho, madaxda HirShabeelle waxay magacaabi karaan ama xilka ka qaadi karaan masuuliyiinta heerarka kala duwan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa xilka u dhiibi kara kana qaadi kara madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, sida ku cad dastuurka,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada oo uu akhriyey Xildhibaan Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore).

Xildhibaanada hadlay ayaa Cali Jeyte ka dalbaday inii ilaaliyo nidaamka dowladnimada iyo kala dambeynta uuna si xil-kasnimo leh masuuliyadda u wareejiyo.

“Dowladda Hirshabelle waxaan ugu baaqeynaa inay dardar geliso dagaalka Al-Shabaab iyo xalinta khilaafaadka bulshada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAAID

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -