Ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa dhowaan duqeyn ka geystay degaanka Kuunyo barrow ee gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab
Sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Danab Duqeynta ayaa lagu burburiyay xaruntii Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andalus taasoo ay sheegeen in burbur xooggan loo geystay
“Xiliga weerarka duqeynta Idaacada lagu qaadayey waxaa xarunta Idaacada Afka argagaxisada ka socday mid ka mid ah Barnaamiyada lagu qaldo dadka shacabka waxaana gudaha studiyaha ku sugnaa horjooge ka tirsan Al-Shabaab” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.
Saraakiisha Danab waxay sheegeen in duqeynta lagu dilay Agaasimihii Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab C/raxmaan Cali oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaan (Khaashic), Wariye Ahmed Dalmar Abuu Warsame & Wariye Maxamed Cali Aadan.
Sidoo kale, duqeynta waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Ismaciil Dubud Shigshigow kaasoo xiligaasi lagu wareysanayay barnaamij toos uga baxayey Idaacada sida ay sheegeen saraakiisha Danab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com