Saciid Ciise: “La yaab ma leh in koox wax ma garata lagu qaldo wadaniyad been abuur ah”

Waxaan la yaab lahayn in koox dameneyaala lagu mariin habaabiyo wadanayid beena buura, kuwaasoo si qaldan loo geliyo aragtiyo siyaasadeed oo aan sax ahayn oo ay ku gambanayaan shaqsiyaad adeegsanaya qiyaanooyin ay ku dhakrayaan dalka, iyagoo kooxdaas damaneyaasha ah ay iska dhigayaan keligood iney yihiin kuwo ay ku weyn tahay jaceylka dalka oo ah wadaniyiin dhab ah, naftoodana ay u hurayaan xabiibkooda ku hogaaminaya wadaniyad jaceylka, balse hoosta ku wata shuuciyadda xeeladeysan ee lagu hiigsanayo kelitalisnimadii uu qabyada uga tegey Kacaankii Oktober.

Dhagarta ku hoos qarsoon sheegashada wadaniyaddaas ayaa waxey tahay iney ku hoos lamaansan tahay dhaqanxumo ku dhex duugan oo ah xagjirnimo diimeed iyo mid qabyaaladeed oo korka looga daboolay magac lagu xardhay oo lagu qurxinayo jaceylka wadanka, waxaana xertaas guulwadeyaasha ah oo la magacbaxday jamaahiirta Nabad iyo Nolol oo daacadda u ah fikirkaas beenabuurka ah oo lagu shubay maskaxdooda ayaa si seef la boodnimo ah cadowtooyo ugu qaada shisheeyaha dhulka awooweyaashood aan u dhalan, waxaana kuwaas mararka qaar hadafyadooda loogu tilmaama iney ku gaaraan cabsi gelin iyo adeegsi xoogg dagaal.

Shaqsiyaadka hogaaminaya xertaas guulwadeyaasha ah ayaa waxey ku sifoobaan kuwo qaba cuduro nafsadeed oo ay ciladahooda ku dhex qariyaan qabweynii beena, islaweyni aan loo qabin, iyo iskood iney isgu aaminsan yihiin iney yihiin kuwo dadka intiisa kale ka caqli badan ama ay ka mabda’ fiican yihiin, waxeyna rumeysan yihiin in dadka aan raacsaneyn adeecidda sareynta fikradahooda iney yihiin kuwo daciifa oo aan qiimo badan wadanka u lahayn oo ay liidato wadaniyadooda, waxeyna boor isku qarintaas ay ugu adeegsadaan iney danahooda shaqsiyadeed ku gaaraan madax taagnimo aan heshiis nabadgelyo sinaba aan u raacsaneyn.

Guulwadeyaashaas la marin habaabiyey waxey intooda badan yihiin kuwo aqoongaaba oo uusan maankooda geleyn aragtida wanaagsan, waxeyna wax kasta oo loo sheego ay u qaataan sida ay tahay iyagoon marnaba aan wax su’aala ka keenin ama aan ka fekerin waxa loo sheegay iney sax yihiin ama qalad, waxaana ugu wacan iney sidaas u dhaqmaan madaxooda oo maran iyo waayoaragnimadooda oo aad u dambeysa, waxaana madaxyadooda isku xira oo keliya wadanayidaas been abuurka ah oo ay mariin habaabinteeda ku wada mideysan yihiin, taas oo si xagjirnimo leh ay u aaminsan yihiin iney tahay janadooda ay rumeynayaan iney hiigsadaan.

Hugunka ka dhex guuxaya dhaqdhaqaaqa wadaniyadaas been abuurka ah ayaa waxey wadataa fariimo isgu dhex jiraa dareeno isdiidan oo ay ka mid yihiin kuwo gobolada lagu kala xigsanayo, kuwo lahjadaha la kala soo dhoweysanayo, kuwo beelaha yar yar looga fadilayo kuwa tirada badan, iyo dhaqanxumo siyasadeed oo shisheeyaha lagu colaadinayo, inkastoo ay jirto iney baryo iyo tuugsi dhaqaale iyo mid sirdoon ay ku hoos joogaan shisheeyaha ay adeegeyaalka ugu yihiin meelmarinta danahooda, waxeyna dhagartooda inta badan ku beegsadaan sooyaalka dalka oo sida ay rabaan ay u dhigtaan, iyagoo cadowga soo jireenka ah ka dhigta saaxiibo ay yihiin danwadaag, saaxiibadii soo jireenka ahaana ka dhigaan cadowga dalka.

Jamaahiirta guulwadeyaasha ah waxey daacad u yihiin waxyi sheydaanka aan maangal ahayn oo ay shaqsiyaadka hogaaminaya ay been hawaasnimada ugu mariin habaabinayaan, waxeyna u jiheysan yihiin qaab loogu talogalay oo ay ugu abaabulan yihiin iney cadawtooyo u qaadaan cid walba oo ka aragti duwan madaxdooda, waxaana kicinta shucuurtooda uu salka ku hayaa dhiifanaanta ku dhisan dareen ciidannimo oo lagu abuuray maankooda maran si loogu adeegsado iney ahaadaan maleeshiyaad had iyo jeer u diyaarsan dagaal gelid, waxeyna u tababaran yihiin iney dacaayad ku muuqaal xumeeyaan dadka ka soo horjeeda madaxdooda oo ay ku sumadeeyaan astaan qaran dumis iyo iney dalka dayaceen ama ay yihiin cadawga dalka.

Jamaahiirtaas ah naftooda hureyaasha mariin habawsan ayaa waxey baraarugaan oo ay indhahooda kala furaan kadib marka dadnimadooda la soo bahdilo oo dhagaro loo soo maleegey ay fulintooda ku soo geysteen tacdiyo ay godob uga soo galeen dad badan oo cadow looga soo dhigay, dhibaneyaashaasina ay u hayaan ciilqab ay meelmarintooda la sugayaan wakhtiga ku haboon oo fursadu ay u saamaxdo iney ku marsiiyaan mudnaantooda, waxeyna gartaan guulwadeyaashu in laga maarmay goorta ay xaqiiqsadaan in waxyigii beenhawaasnimada loogu shubi jirey laga xirto, haddana ay yaqiinsadaan in caasinimo looga cirdeeyo ka mid ahaanshaha jamaahiirta ay jiritaankeeda u soo dhagaroobeen, kadibna iyagoo wada jaa’ifeysan ay dhacdo in si filan waaya loogu soo dhex daayo cadowgooda ay u dakanadeysaayeen.

Wadaniyad jaceylka been abuurka ah ayaa run ahaantii waxey salka ku haysaa dhaqan xagjirnimo oo ay kooxo kala duwan ay ku wada mideysan yihiin fikirka gabaadka looga dhiganayo wadaniyada, balse taas bedelkeeda ku dhisan xagjirnimada diinta, xagjirnimada qabiilka, xagjirnimada ciilqabka cuqdadeysan, iyo xagjirnimada siyaasadeed ee ku saleysan xukunka ku dhisan kelitalisnimo macangag ah, waxeyna fikradahaas been hawasnimada ku dhisan ay yihiin kuwo takooraya shisheeyaha waxtarka u leh horumarinta dadka, dowladda, iyo dalka, waxeyna isku wada raacasan yihiin in waxa ay ku wada mideysan yihiin ay kala yihiin wadaniyada luqada iyo dhaqanka, balse aysan nuuca wadaniyadoodu aysan salka ku hayn hido raaca isirka iyo sinjiga Soomaalinimada, taas oo dalka wadaniyadiisa beylah uga dhigeysa iney lahaan karaan cid kasta oo ku hadasha afka Soomaaliga, kuna dhaqanta dhaqanka Soomaalida.

Mabda’aas lagu mideysan yahay ayaa wadaniyad u ah dhamaan guulwadeyaaasha sida dhabta ah daacada ugu wada dhaqdhaqaaqa la magac baxay jamaahirta nabad iyo nolol, waxeyna ka mid noqoshada xubinnimadooda ay fareysaa iney wadaniyiintoodu ay noqdaan kuwo ku sifooba iney yeeshaan cadowsiga inta iyaga ka soo harta oo aysan ahayn kuwo ay wadaagaan nabad iyo naxariis wadan, waxeyna fikradahaas xagjirka ah ay xambaarsan yihiin halista wadata kala qoqobida dadka oo loo kala saarayo kuwo raacsan mariin habaabinta jamaahiirta iyo kuwa diidan oo ay banana tahay ceebeyntooda iyo daadinta dhiigooda, waxeyna sidoo kale ay ku bartilmaameysanayaan ka mid noqoshada guulwadeyaasha jamaahiirta noqonaya iney ka dhex qortaan dadka ay nafsadoodu  dareensan yihiin xanuunada reeba cuqdooyinka kala ah maangaabnimada, aqoongaabnida, laangaabnimada, macangagnimada, iyo salfudeydka dhimirka.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -