Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oo gaaray degmada Cadaado, una gudbay..

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmdug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhaw safar dhulka ah ku gaaray magaalada Cadaado ee goobolka Galgaduud.

Qoorqoor ayaa si toos ah ugu gudbay garoonka ciyaaraha Cadaado oo ay ka socoto cayaarta kama dambaysta ah ee tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan mas’uuiyiin ka tirsan dowladda FS iyo golayaasha dawlad goboleedka Galmudug ayaa daawanaya qaybta dambe ee cayaarta, waxaana caawa Cadaado lagu qabanayaa munaasabad wayn oo koobka lagu guddoonsiinayo kooxda tartankan ku guuleysata.

Qoorqoor oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Aqal ee  Baarlamaanka DFS iyo sidoo kale xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Galmudug ayaa kormeer ku soo maray Degamada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud. halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen bulshada degaanka qaybahooda kala duwan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kulan qado ah la qaatay maamulka degmada Godinlabe, kaas oo looga hadlay horumarinta degmada oo adeegyada bulshadu ugu horreeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo dib u qabsaday degaan ay dhowaan la wareegtay Al-shabaab

Caydiid Ali

Macalimiin wax ka dhigayay Iskuulo kuyaala magaalada Wajeer oo firxad bilaabay

Cabdi Cade

Dalka dunida ugu quwada weyn oo caalamka weydiistay gargaar deg deg ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---