Ciidamada Danab oo dib u qabsaday degaan ay dhowaan la wareegtay Al-shabaab

Ciidanka Kumandoska xoogga dalka ee DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaankaas oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah ayaa dhowaan waxaa qabsaday Al-Shabaab oo weerar khasaare badan dhaliyey ku qaaday.

Ciidanka Danab oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceel-baraf kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidanka Danab ay degaanka ka wadaan howlgalo amaanka lagu sugayo, iyagoo guri guri u baaraya.

Shacabkii ku dhaqnaa degaanka Ceel-baraf ayaa isaga barakacay kadib markii ay ka baqeen in dushooda lagu dagaalamo.

Xaalad kacsan ayaa ka jirtay degaanka tan iyo markii Bishii May ee sanadkan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi, taasoo sababtay inay degaanka isaga baxaan Ciidankaas.

 

 

- Advertisement -