Diyaaradii ay la socdeen xulka Sacuudiga oo Dab qabasaday xili ay hawada ku jirtay (Daawo Sawirada)

Diyaarad ay la socdeen Ciyaartoyda xulka Qaranka Sacuudiga ku matalaya koobka aduunka ee ka socda dalka Ruushka ayaa dab qabsaday xili ay Diyaarada hawada ku jirtay, waxaana halis gashay nolosha ciyaartoydaasi.

Mid kamid ah Matoorada diyaaradan oo nooceedu ahaa Russian Airlines Airbus A319-100 ayaa dab qabsaday xili ay diyaarada ku dhaweyd garoonka diyaaradaha magaalada Rostov ee Don Airport .

War qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubbada cagta Sacuudi ayaa lagu xaqiijiyay in dhamaan ciyaartoyda iyo xubnihii kale ee diyaarada la socday ay bad qabaan , waxa uuna xiriirku sheegay in diyaarada cilad farsamo ku timid uuna dab qabsaday mid kamid ah mishiinadeeda.

Ciyaartoyda Sacuudiga ayaa diyaarada laga soo dejiyay qaarkood iyaga oo argagaxsan, halka Ciyaartoyda qaar markii diyaarada kasoo dageen ay bilaabeen in ay duubaan dabka ka kacay Diyaaradii ay la socdeen.

Xulka Sacuudiga ayaa isku diyaarinaya kulanka ay la leeyihiin xulka Urugway, waxaana kulankii furitaanka Sacuudiga ciyaartii ay la yeesheen Ruushka dhabarka loo saaray guul daro xanuun badan kadib markii 5 gool iyo eber looga adkaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -