Dil Caawa ka dhacay Afaafka hore Masjid kuyaala magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xiligii salaada Maqrib waxa ay afaafka hore ee Masjidka Sheekh Cali Suufi ee magaalada Muqdisho ku dileen ruux kamid ahaa Jameecada Masjidkaasi.

Goobjoogaaal ayaa ku waramay in rag biskoolado watay afaafka hore ee Masjidka ku dileen nin da’ dhaxaad ahaa oon wali la ogeyn waxa uu ahaa, ninka la dilay ayaa la sheegay in uu doonayay in masjidka galo kuna dukado salaada Maqrib.

Dableydii dilka ka fulisay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana xili dambe halkaasi soo gaaray ciidamo katirsan booliisaka oo goobtaasi howlgalo kooban ka sameeyay.

Magaalada Muwdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay dilalka qorsheesan ee loo geesanayo dadka shacabka , shaqaalaha iyo askarta dowlada, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalkaasi fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -