Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka DF oo Howlgal ku qaarajiyey Sarkaal Shabaab ah oo horey dil loogu xukumay

Ciidamada DF ayaa sheegay iney dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ka dib howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Howlgalka lagu dilay sarkaalkan ayaa ka dhacay degaan ku dhow degmada Galcad ee gobolka Galgaduud

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen inta u dhexeeysa magaalada Galcad iyo degaanka Baraag Sheekh Caamir ku dilay horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane)” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo caawa ay baahisay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA

Taliye ku-xigeenka Ururka 7 aad Guutada 16 aad ee Danab Xidigle Maxamed Xasan Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta DF in dilka sarkaalkan uu yimid ka dib xog ay ka heleen dadka degaanka.

“Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah horay Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa sidoo kale lagu yiri warka ay baahisay SONNA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo Bogaadisay tallaabo uu qaaday Madaxweynaha xilka ka degay ee Farmaajo

Cabdi Cade

Xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib u dhacday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Amiiro iyo Maal qabeeno caan ah oo laga sii daayay Hotel xabsi ahaan ugu xirnaayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---