Maamulka Jubbaland oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Deni

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ee uu magacaabay Maamulka Jubaland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi deni ee ahaa in gobolka Geddo lagu qasabayo maamul aysan raalli ka ahayn.

Cismaan Xaaji Nuur ayaa sheegay in hadalka Deni uu yahay mid uu taageero kaga raadinayo shacabka reer Geddo kadib markii siyaasaddiisa ay ka hor yimaadeen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

“Reer Geddo wax ka halaysan malaha, madax baa xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland iyo maadxweyne ku xigeen, markaas wax dhib ah oo ka jira ma laha” ayuu Cismaan Xaaji Nuur yiri.

“Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, Dowlad Goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan” ayuu yiri Cismaan Xaaji Nuur Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Waxaa uu intaas ku daray in dad yar oo shaqsiyaad ah oo horey xil uga soo qabtay Jubbaland haddana aan wax xil ah hayn ay hadda qeylada wadaan, kuwaasoo booskoodii ay ku jiraan buu yiri dad iyaga matala oo ku heyb ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -