Al Shabaab oo saakay dagaal kula wareegtay degmo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowlada

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus ku qaaday degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ,hakaas ay gacanta ku hayeen ciidanka dowlada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar ku bilaabay saldhigyo ay lahaayeen ciidanka dowlada , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo kooban dhax maray labada ciidan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Raaga Ceele oo mudo sanado ah gacanta ugu jirtay ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u firxadeen duleedka degmadaasi gaar ahaan saldhig ciidamada AMISOM halkaasi ku leeyihiin, waxa ayna ciidamada wadaan abaabul ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan degmada Raaga Ceelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -