Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda IGAD oo isku raacay in Soomaaliya xil culus laga siiyo Ururka (Daawo Sawirro)

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu soo gebagebeeyey Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelay shirkaas waxa ay ku soo bandhigeen doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD, waxaana shirka laga soo saaray go’aano la xiriira arrimaha Somalia oo u qornaa sidatan hoose.

1-In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

2-In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

3-Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

4-Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5-IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo War ka soo saartay qaraxii ka dhacay deg. Baardheere (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada ee Patriot

Cabdi Cade

Wafdi ka Socda Mareykanka oo Muqdisho deg deg u yimid iyo Farmaajo oo kulan la leh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---