(Akhriso) Jabhadda ONLF iyo Madaxweynaha DDSI oo todobo qodob ku heshiiyey

Ururka ONLF ayaa sheegay in xubno ka tirsani ay magaalada Addis Ababa kula kulmeen madaxweynaha cusub ee Maamulka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar.

ONLF ayaa sheegtay inay si buuxda ula shaqaynayaan madaxweynaha cusub waxayse ka digeen faragelin dawladda dhexe ee Itoobiya ku samayso arrimaha Gobolka.

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ku heshiiyeen kuwaasoo ay ka mid yihiin:-

1-In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii gumaysi-diidka ahaa ee ay kula jireen TPLF.

2-In Jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga bilowdo degaanka Soomaalida.

3-In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amni daro.

4-In wadahadalo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah loo bilaabo six al waara looga gaaro arrinta Soomaali galbeed.

5-In laga fogaado wixii kala geynaya shacabka degaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb.

6-In maamulka cusub ee degaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso degaanka, iyadoo u mareysa waddo nabadeed.

7-In maamulka cusub ee degaanku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -