Allbanaadir.com
NEWS

Sawir Selfie oo ah caro badan dhaliyay iyo Warbaahinta oo hadal heysa !! (Daawo Sawirro)

Warbaahinta Caalamka iyo baraha bulshada ayaa si weyn loogu hadal hayaa sawir nuuca loo yaqaan Selfie uu iska qaaday nin aan la shaacin magaciisa , xili gadaashiisa loogu gurmanayo haweeney uu tareen jiiray.

Dhacdadan ayaa ka dhacday boosteejo tareen oo kutaala magaalo lagu magacaabo Piacenza, oo ku dhaw magaalada Milan ee dalka Talaaniga, Waxaana la sawiray oo baraha bulshada lagu baahiyay sawirka ninka Selfie-ga isaga qaaday Haweeneyda tareenka dar daray.

Dad badan ayaa ka carooday sawirka uu iska qaaday ninkan xili gadaashiisa loogu gar gaarayo haweeney waxyeelo xun uu kasoo gaaray mid kamid ah lugaheeda kadib markii uu tareenka dar daray.

Sawirka Seflfie-ga uu iska qaadayay ninka kor laga duubay ayaa lagu baahiyay Warbaahinta Caalamka iyo baraha bulshada, waxaana inta badan dadkii ka argti dhiibtay sawirkan si kulul u canbaareeyeen ninka ficilkan sameeyay.

Booliiska Talyaaniga ayaa la sheegay in ay u yeereen kuna amreen in uu dhamaan tir tiro sawiradii uu ninkan isaga qaaday boosteejada xili ay kooxaha gurmadka caawinayeen haweeneyda uu tareenka jiiray.

Sawirka loo yaqaan Selfie ee sida weyn u jecel yihiin dhalinyarada ayaa marar badan abuuray dhibaatooyin badan, waxaana jiray dhlinyaro iyaga oo sawirdaasi iska qaadaya uu tareen jiiray halka kuwa kalana ay kasoo gaareen dhibaatooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Waddanka Nigeria (Ujeedka+Sawirro)

Caydiid Ali

Colaad lix sano aafeysay Magaalo ku taala Koonfurta Somalia oo la soo afjaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo war kasoo saaray weerarkii Daacish ku qaaday Ciidamada Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---