Edogan iyo madax kale oo diiday ka qeyb galka aaska boqoradii UK (Sababta)

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa diiday inuu ka qayb galo aaska Boqorada UK, kadib markii Dawladda Ingiriisku u qorsheysey qaab kala saraysiinaysa Madaxda la casuumay ee caalamka.

Madaxwaynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxwaynaha Israel oo keliya  ayaa loo oggolaaday inay goobta aaska ku tagaan Baabuurtooda gaarka ah iyo ilaaladooda, iyadoo wadooyinkana loo xiray, halka madaxda kale oo dhan loo qorsheyey inay basaska dhaadheer wada raacaan.

Wargeyska Daily Sabah ayaa qoray in Erdogan diiday inuu ka qayb galo aaska, hadii aanu Baabuurkiisa gaarka ah iyo ilaaladiisa ku tegayn Goobta aaska, Dawladda ingiriiska oo la soo xiriirtay ayaa u sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso, balse waa ka cudur daartay,wuxuuna bedelkiisa diray wasiirkiisa arrimaha dibeda.

Sidoo kale boqorka Sacuudiga ayaa ka baaqday aaska boqorada inkastoo aanla sheegin sababta baaqashadiisa.

Dadweynaha Japan ayaa Boqorkooda Naruhito ku dhaliilay inuu aqbalay Qorshe lagu bahdilay oo uu raacay Bas aanu weligii raacin, iyadoo hoos loo dhigay maqaamkiisii.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo madax kale oo afrikaan ah ayaa ka mid ah baandada baska la saaray.

Diblomaasiyiin ka socda shan dal oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kooxda G7 oo codsaday in baskan laga dhaafo madaxdooda, sababo la xiriira da’ ama sababo amni loomana jawaabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -