Wasiir Cabdulahi Goodax oo la kulmay Maamulayaasha Iskuulada Dowlada (Daawo Sawirada)

Wasiirka  wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta  sare ee xukuumadda  federaalka  Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan la qaatay, maamulada, guddoomiyeyaasha, iyo kormeerayaal ka tirsan dugsiyada ay maamusho dowladda ee ku yaalla gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Feysal Cumar Guuleed, wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, Cabdiraxmaan Maxamuud Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda, Xassan Maxamed Cali iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Xassan Yuusuf.

Madaxda wasaaradda waxbarashada iyo xubnaha ka socday dugsiyada ay maamusho dowladda federaalka ayaa ka wada hadla, tayeenta waxbarashada, iyo in si wada jir ah loo xaliyo caqabadaha jira.

Yaxye Faarax Jaamac oo ah maamulaha dugsiga hoose, dhexe sare ee Hanti wadaag oo ka mid ah dugsiyada ay sida lacag la’aanta wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed islaamrkana ay gacanta ku heyso dowladda federaalka ayaa sheegay in wasiirka waxbarashada iyo xubnaha kale ee wasaaradda  ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa caqabada jira islamarkana la isku afgartay in wada jir loo xaliyo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre,  ayaa tilmaamay in ay dadaal ugu jiran sidii loo tayeyn lahaa aqoonta macalimiinta, si kor loogu qaado garaadka caruurta Soomaaliyeed.

“Wasaaradda waxbarashada waxay dadaal ugu jirta sidii loo tayeen  lahaa, macalinta si kor loogu qaado garaadka caruurta Soomaaliyeed, idinka waxaa la idinka rabaa inaad ka soo baxdan waajibaadka idin saaran’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono dugsiyada dowladda si loo horumariyo waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii kor loogu qaadi laha aqoonta macaliminta wax ka dhiga dugsiyada ay gacanta ku heyso dowladda, si loo horumariyo waxbarashada, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho tababar loogu soo gaba gabeeyay 100 macalin oo wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla gobolka Banaadir.

- Advertisement -