Faahfaahin: Weerar khasaare nafeed geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka ka imanaya duleedka Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay waddada dhinaceeda uu qabsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dawladda.

Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Siinka dheer ayaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la geliyey oo meel durugsan laga hagayey sida ay sheegeen dad goob joogayaal oo warbaahinta la hadlay.

Qarax ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen laba askari, halka afar kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ka mid ahaa ciidamadii la socday gaariga ay wateen ciidamada oo noociisu ahaa kuwa ay Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha.

Waxaa qaraxa ka dib goobta gaaray ciidamada amaanka DF oo halkaas ka daad gureeyey meydadka iyo dhaawacyada ku waxyeelowday qaraxa oo loo soo qaaday Muqdisho, waxaana masuuliyada weerarkan sheegtay sida loo bartay al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -