Xubno katirsanaa kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo lagu riday xukunno adag

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Ragan ayaa waxaa siyaabo kala duwan gacanta ugu dhigay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxa ayna maxkamadda ciidamada horteeda ka qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay ee ahaa in ay kamid ahaayeen Al Shabaab iyo Daacish falal amni darana ku howlanaayeen.

Cabdiraxmaan Cumar Xasan ayaa ciidamada qabteen isaga oo dhaawac ah, waxaana mid kamid ah lugihiisa looga jaray Isbitaal ninkan ayaa lagu helay in uu Shabaab katirsanaa kana qeyb qaatay weeraro badan ay gobolka Sh/Hoose ka fuliyeen Al Shabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaana Cabdraxmaan Cumar Xasan ku riday xukun xabsi daa’in ah, waxa uuna garsooraha maxkamadda sheegay in ciqaabta dambiyadda uu galay ninkan u dhiganto in xukunkaas madaxaa haku furto ah lagu rido.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa Warsame Cabdi Xasan ku xkuntay 15 sano oo xarig ah, kaddib markii ay ku heshay inuu argagax geliyey ganacsatada, isagoo ka doonayey baad uu u ururinayey kooxda Daacish.

Maxkamadda ciidamada ayaa xukunno adag ay ku jiraan dilal iyo xabsi daa’in horey ugu riday rag badan oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee kasoo horjeeda jiritaanka dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -