Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Imtixaan loo qabtay arday ka badan 31 kun oo Muqdisho lagu soo xiray (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuuto, Sulub Axmed Firin, Taliyaha Qeybta Guud iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa xarunta Jaamacada Ummadda kula dabaal-dagay kumanaan ardey oo maanta usoo idlaaday Imtixaanka Fasalka 8 ee sanad dugiayeedk 2022 – 2023.

Imtixaankan oo uu horey u daah-furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa u fariistay 31,688-Arday oo ka kala socday 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Hamsami u socodka Imtixaanka inta uu socday waxaa Maamulaayay Guddiga Imtixaanka Gobolka Banaadir iyadoona Amniga ay sugayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ardayda imtixaanka u dhamaaday ayaa muujiyay farxad iyo rajo ku aadan guul in ay ka gaaraan Imtixaanka, iyagoona sawiro la galay masuuliyiintii goobta timid.

Madaxda ayaa dhamaan ardaydii imtixaanka u soo idlaaday u rajeeyay in ay noqdaan kuwo guulo wax ku ool ah keena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin cirbad ku dilay mid kamid ah Ilaalada Hotelka Xayaat oo Gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Labo Beel oo isku heesta Xilka Ra’isul Wasaaraha & Qorshaha dhabta ah ee ciidamada DANAB loo geeyay Jowhar !!

Cabdi Cade

Dowladda oo War kasoo saartay Deegaan Muhiim ah oo maanta laga saaray Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---