Taalibaan oo Mamnuucday beerista Maan-dooriye dhaqaale badan uu kasoo gali jiray

Maamulka Taalibaan ee haya talada dalka Afgaanistan ayaa gabi ahaan mamnuucay in dalkaasi lagu beero maan-dooriyaha xashiishka oo si weyn loogu beero dalkaasi lagana sameeyo dhaqaale badan.

Hoggaamiyaha ugu sareeya ururka Taalibaan Hebatullah Akhundzadeh ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in gabi ahaan dalka Afgaanistan lagu beero xashiishka dalkaasi caanka ku yahay ee loo yaqaan (Bang).

Wareegtada uu soo saaray hoggaamiyaha Taalibaan ayuu ku amray ciidamada in ay bur buriyaan beeraha lagu beero xashiishka, sidoo kale ciqaabaan dadka iska leh beeraga iyo kuwa lagu arko iyaga oo beeraya ama ka ganacsanaya.

Hoggaamiyaha ururka Taliban, ayaa sannadkii gore mamnuucay beerashada iyo soo saarista daroogada loo yaqaan opium-ka, xilligaasi hoggaamiyaha Taalibaan kama uusan hadlin beershada Xashiishka.

Taalibaan ayaa la sheegay in horey canshuur uga qaadi jirtay beeraleyda iyo ganacsatada iibisa maan-dooriyaashan, waxa ayna Taalibaan hadda dooneysa in meesha ka saarto beerista iyo ka ganacsiga daroogooyinka nuucyadooda kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -