Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federal Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka ka jira iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan waxaa si ramsi ah u furay Wasiirka Maaliyadda  Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, waxa uuna sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey’addaha maaliyadda heer dederaal iyo heer dowlad goboleed.

Wasiirka ayaa xusay inta shirka socdo in laga doodi doono arrimaha horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, deyn cafinta iyo qeybsiga deeqaha maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka.

Shirkaan maanta furmay ayaa inta uu socdo sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga adduunka iyo hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -