Ergeyga cusub ee QM u soo Magacowday Somalia oo Muqdisho soo gaartay (Sawirro)

Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee dhawaantan la magacaabay, Catriona Laing, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Catriona Laing ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin kale.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibada qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.” ayey tiri Catriona Laing oo ka mahad celisay sida dalka loogu soo dhoweeyey

Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa ah diblumaasiyad sare, waxaana xilkaan oo loo magacaabay bishii la soo dhaafay, iyadoo xilka kala wareegeysa Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Mareykanka u dhashay.

Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan u gudbineysa Madaxweyne Xasan Shiikh warqadaheeda aqoonsiga ee danjirenimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -