Koox la baxday magaca Al Shabaab oo weeraro dad badan lagu dilay ka fulisay dalka…

Koox Jihaan doon ah oo la baxday magaca Al Shabaab ayaa weeraro dad badan lagu dilay waxa ay ka fulisay Waqooyiga dalka Mozambique, waxa ayna kooxdan noqotay khatar cusub oo dalkaasi kusoo korortay.

Taliyaha booliska dalka Mozambique, Bernadino Rafael, ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxdan tan iyo markii ay bilaabeen weerarada sanadkii hore dileen 90 qof sidoo kale dhaawaceen dad kale oo badan.

Kooxdan la baxday magaca Al Shabaab ayaa inta badan weeraro kadis ah ku qaada tuulooyin iyaga oo wata midiyo iyo baangado, waxa ayna inta badan qoorta ka jaraan dadka ay qabtaan.

Waxa uu sheegay Taliyaha booliiska in kooxdan sidoo kale gubeen in ka badan kun guri ayna weerareen xarumo booliis , waxa uuna xusay in kooxdan cabsi galin ka wadaan Waqooyiga dalka Mozambique.

Kooxdan Jihaad doonka ah ee watada magaca Al Shabaab ayaan la ogeyn in xiriir la leedahay kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxa ayna kooxdan soo shaac baxday labadii sano ee ugu dambeeyay ay fuliyeen weeraro badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -