Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalo culus oo caawa ka socda degaano ka tirsan Sh/dhexe

Dagaal xooggan ayaa caawa ka socdaa deegaanada Bursha shiikh & Sumadaale ee gobolka Shabeellada dhexe kaasoo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid ka gadaal markii Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee NISA ay galeen goobo ay Al shabaab isku uruursanayeen

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayaa goobaha dagaalku ka socdo sida dadka degaanadaas ku dhow soo sheegayaan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dayuuradaha wax duqeeya ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka kuwaasoo caawa dul wareegaya hawada gobolka Sh/dhexe

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo dagaalka uu socdo, khasaara kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa jira inkastoo aan xog laga heynin heerka uu gaarsiisan yahay.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA

Related posts

Markaska Albaani Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaliyeed

Cabdi Cade

Biden oo laalay Mid ka mid ah sharciyadii ugu adkaa ee uu soo saaray Trump

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga oo galay Godadkii Al Shabaab kaga jireen Ciid Ciidka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---