Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sidoo kale ah Hogaamiyaha Musharaxiinta isbadal doonka.

Sheekh Shariif iyo masuuliyiinta la socotay waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay kulana kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Sheekh Shariif oo magaalada Baydhabo joogi doona labo cisho ayaa la filayaa in kulamo la qaato Madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada, waxa uuna kala hadli doonaa walaaca dooarshada ka qabaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Facebook ugu hanjabtay inay dalkeeda ka mamnuuceyso iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay labo nin oo xalay dilal geestay

Cabdi Cade

Puntland oo Muuse Biixi ku tilmaantay dagaal ooge horey dhibaato ugu geystey shacabkiisa (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---