Dhaxal sugaha Sacuudiga oo lagu cadaadinayo dilka Wariye Jamal Khashoggi

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadiska xoogan ee uga imaanaya Caalamka , waxaana lagu tuhmayaa in uu wax ka ogaa dilka loo geestay Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa.

Dowlada Mareykanka ayaa kamid ah wadamada cadaadiska xoogan uu uga imaanayo Dhaxa sugaha Boqortooyada Sacuuduga, Dowlada Mareykanka ayaana sheegtay in  dilka Wariye Jamal wax ka fuliyeen xubno aad ugu dhaw Maxamed Bin Salman.

Madaxda sare ee dowlada Mareykanka ayaa waxa aminsan yihiin in dilka Wariye Jamal Khashoggi uu ka dambeeyey General Ahmed al-Assir oo kamid ah saraakiisha sare ee Sirdoonka Sacuudiga aadna isugu dhaw yihiin Maxamed Bin Salman.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in la dilay  Wariye Jamal Khashoggi , waxa uuna cadeeyay in saameyn xun ka dhalan karto dilka Wariyaha hadii la cadeeyo.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay xubnaha uga sarreeyey qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul inay ka dambeeyeen dilka Jamaal Khashoggi, waxa ayna xuseen in qunsuliyadda dhexdeeda lagu jirdilay kadibna si xun loo dilay.

Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiisha Mareykanka in dilka Wariyaha uu kaalin weyn ku lahaa General Ahmed al-Assir oo aad ugu dhaw Dhaxal Sugaha Sacuudiga, Waxaana lagu cadaadinayaa Maxamed Bin Salman in uu cadeeyo dadkii dilkaasi fuliyay.

Dowlada Mareykanka  ayaa horey u shaacisay hadii Sacuudigu ku cadaado in ay dilka Khashoggi ka dambeeyeen ay kala noqon doonaan heshiisyada hubka iyo ganacsiga oo horay uu ula galay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -