Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo u duulaya magaalada New Yourk oo lagu Maxkamadeenayo

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maalinta Talaadada hortagata maxkamad kutaalla magaalada New Yourk oo ay ka bilaabaneyso dhageysiga dacwado loo heesto.

Qareenka Donald Trump ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay galaan dagaal dhinaca sharciga ah, waxa uuna sheegay in dhageysiga dacwadaha loo heesto Trump beri ka bilaabanayaan maxkamadda kutaalla New Yourk.

Donlad Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ayaa la filayaa in maanta u duulo magaalada New Yourk oo ka bilaabaneyso dhageysiga dacwad loo heesto oo ku aadan in lacag laaluush ah siiyay haweeney jisha filimada anshax xumada ah.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa marka usoo dhamaato dhageysiga dacwadaha loo heesto waxa uu aadi doonaa gobolka Florida, halkaas uu kula hadlo doono qaar kamid ah taageerayaashiisa.

Qarneenka Donald Trump ayaa sheegay in ay dagaal adag oo dhinaca sharciga ah gali doonaan si ay u difaacaan Trump oo wali diidan in uu wax dambi ah galay , waxaana maxkamadeynta Trump noqotay mid si weyn loo hadal hayo loona sugayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka dalka Kenya oo xilka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenka Kenya

Cabdi Cade

Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo maanta kasoo dageysa Muqdisho

Cabdi Cade

Nin dhowaan qaatay diinta Islaamka oo fuliyey weerarkii xalay ka dhacay dalka Norwey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---