Dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal ayaa saaka ka dhacay degaanka Qalimow ee duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa bilowday markii xoogag taabacsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka.

Goob joogayaal ku sugan degaanka Qalimow ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saaka ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War Al-Shabaab ay ku faafisay baraha internetka ee taageera ayey ku sheegeen iney weerarkaas ku dileen 13 askari oo ka tirsan ciidanka milateriga Somalia, ayna ka qabsadeen hub kala duwan iyo saanado milateri.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sida uu dagaalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, ciidamada dowlada iyo maamulka gobolka Sh/dhexena kama hadlin illaa hadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -