Al Shabaab oo shaacisay Khasaaraha AMISOM kasoo gaaray qarax ay la beegsadeen

Kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ayaa shalay galinkii dambe qarax xoogan lagula eegtay Deegaanka Carbiska ee ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo nuuciisa lagu sheegay miino dhulka la galiyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamada AMISOM.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in masuuliyada qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi ku dileen 8-askari oo katirsanaa ciidamada AMISOM.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaan dhankooda ka hadlin qaraxa lala eegtay shalay galinkii dambe iyo khasaaraha kasoo gaaray, waxaana ciidamada la qarxiyay la sheegay in ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

- Advertisement -