Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toorey lagu dhaawacay Musharax Madaxweyne oo ololiisa doorasho ku guda jiray (Daawo Sawirro)

Musharaxa ugu cadcad doorashada madaxwaynanimada dalka Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa mindi lala dhacay xilli uu ku jiray ololo doorasho.

Dhacdadan ayaa ka dhacday isu soo bax lagu qabtay Juiz de Fora, oo ka tirsan gobolka Minas Gerais.

Wiilka Mr Jair Bolsonaro ayaa sheegay in aabihii uu dhaawac ka soo gaaray qaybta hoose ee caloosha, balse uu wanaagsaan oo uu ka soo kabnayo.

Booliiska dalka Barazil ayaa waxay sheegeen in qof looga shakisan yahay weerarkaasi ay xireen.

Sida ku cad ra’yi uruurin dhawaan la soo saaray hogaamiyahan midig fog Mr Bolsonaro ayaa helaya codadka ugu badan bisha October, waa haddii madaxwaynihii hore Lula da Silva uu ku guuldareysto laalida amarka ah in uusan doorashada u tartami Karin.

Lula da Silva ayaa imika ku jira xabsi ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Maxkamada arrimaha doorashooyiinka ayaa maalmo ka hor soo saartay guddoon mr Lula looga horistaagayo in uu doorashada u tartamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Hargeysa kula kulmay Per Lindgarde (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Darbi kusoo dumay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Faahfaahin: Afar qarax oo ka dhacay Magaalo ku taalla dalka Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---