War murtiyeed ka soo baxay kulankii wasiirada arrimaha dibeda ee ka dhacay Jabuuti

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo booqasho wadajir ah ku tagay dalka Jabuuti si loo dardar galiyo dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka Jabuuti iyo Eritrea oo xumaa muddooyinkii u dambeeyay, ayaa kulan halkaas ku yeeshay.

Gabagabadii kulanka ay ku  yeesheen magaalada Jabuuti wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

talaabadan ayaa loo arkaa horumar wayn oo laga gaaray xallinta khilaafka xadka ee dhex yaalla dalalka Eritreya iyo Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -