Daawo Sawirro: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Darbi kusoo dumay magaalada Baladweyne

Darbi kusoo dumay suuqa xoolaha  lagu iibiyo ee magaalada Baladweyne ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad hoos fadhiyay dhismaha darbiga soo dumay.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay darbiga soo dumay halka ay ku dhaawacmeen todobo qof oo kale, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaa la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray.

Ninka ku dhintay darbiga soo dumay ayaa lagu waramay in uu ahaa nin ka xoogsada rarka xoolaha, dadka kale ee dhaawacmay ayaa isugu jiray dad Suuqa xoolo keensaday iyo kuwa dalaal ah.

Waxaa u gurmaday dadka darbiga kusoo dumay dad badan oo Suuqa ku sugnaa kuwaa oo ku guuleetay in dhismaha darbiga kasoo saaraan ninka dhintay iyo sidoo kale dadka kale ee dhaawacmay.

Maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Muqdisho guri dhismo ku socotay oo soo dumay ay sababtay geerida labo qof oo kamid ahaa shaqaalihii guriga dhisayay iyo dhaawac tiro kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -