Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tiktok oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Ruushka iyo hal Sabab oo keentay

Dalka Ruushka ayaa la kulmaya cunaqabateyno iyo xanibaadyo kaga imaanaya shirkado badan oo caalamka, tallaabooyinkaasi ayaa intooda sabab u noqday duullaan ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukarine.

Aaladda Muuqaalada gaabgaab lagu duubo ee TikTok ayaa shaacisay in ay joojisay baahinta muuqaalada lasoo galiyo bartaasi ee gudaha Ruushka, waxa ayna tallaabadaasi caqabad ku noqoneysaa dad badan oo u dhashay Ruushka una badan dhallinyaro.

Sida laga soo xigtay madaxda TikTok ,talaabadan ayaa waxay jawaab u tahay, sharciga cusub ee uu baarlamaanka Ruushka ansixiyeen ee ah in dambi ay tahay in warar been abuur ah laga baahiyo ciidamadda dalka Ruushka.

Baarlamaanka Ruushka ayaa meel mariyay xeer cusub oo dambi ka dhigaya in warar been abuur ah baraha bulshada looga sheego ciidamada Ruushka, waxaana qofkii lagu helaa dambigaasi muteesanayaa 16-sano oo xabsi ah.

Ruushka ayaa wajahaya cunaqabateyno adag oo uga imaanaya waddamo badan oo caalamka kuyaalla iyo shirkado waa weyn, waxa ayna taasi saameyn balaaran ku yeelaneysa malaayiin qof oo u dhalatay Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo Madaxda dalalka Carabta qaarkood kala hadlay doorashada Somalia

Caydiid Ali

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay Qaraar XFS kasoo baxay

Cabdi Cade

Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Maxkamadda Derajada 1-aad ee Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---